January 7, 2025

Kismaayo  – Qaar kamid ah xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya, lagana soo doorto Jubbaland ayaa war culus oo xasaasi ah kasoo saaray xiisadda kasii dareyso ee u dhexeyso Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe.

Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 35 Mudane ayaa shaaca ka qaaday inay la socdaan dhaq-dhaqaaqyo ay sheegeen in dowladdu ka bilowday xadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ay tilmaameen in qalalaase looga abuurayo deegaannada Jubbaland.

Bayaankan ayaa waxaa digniin loogu diray xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay xildhibaannadu ku eedeeyeen inay mas’uul ka yihiin qorshaha ka socda halkaasi.

Xubnaha soo saaray warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo maleeshiyaad ah iyo hub lagu diyaarinayo xadka labada dal, si qalalaase loo geliyo Jubbaland, iyaga oo xusay in wixii ka yimaada ay qaadi dooto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in hoggaanka dowladda federaalka ay uga digayaan in ay ka waantoobaan qorshahaas, isla markaana ay dib usoo celiyaan shakhsiyaadka ay hore u geeyeen deegaanada xuduudka ku teedsan.

Dhanka kale, waxa ay farriin u direen Jubbaland iyo Kenya oo ay ugu baaqeen inay ka feejignaadaan abaabulka ciidan ee ka socda deegaannada u dhow xuduuda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkeeda tahay xiisadda u dhexeyso Kismaayo iyo Muqdisho ee ka dhalatay dib u doorashadii Axmed Madoobe, taas oo isku rogtay gacan ka hadal, kadib markii ay labada dhinac ku dagaalameen Raaskamboobi iyo Doolow

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *