-January 7, 2025

Beledweyne  – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in lasoo afjaray khilaafkii muddada dheer ka taagnaa gobolka Hiiraan oo horay looga dhowaaqay maamul kasoo horjeeda HirShabelle oo la magac baxay ‘Hiiraan State’.

Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda,Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo indhowaanahan ku sugnaa Beledweyne ayaa heshiis la gaaray Cabdullaahi Cabdiraxmaan Ganey oo horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka ‘Hiiraan State’, isaga oo dhaq-dhaqaaqyo ka waday gobolka, kadibna markii dambe aaday dhinaca dalka Itoobiya.

Sanbloolshe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhammaaday khilaafkii, wada-hadalkoodana uu guul kusoo idlaaday.

“Muddo ayuu wada-hadal noo soo socday oo aan isku ognahay wadadalkaas illaa madaxda ugu sarreysa dowladda waa ku faraxsanahay in odayaasho ay wadahadalkaas ajiibeen, Soomaali ayaa nahay walaalow iyo walaalow ayaa ina deeqda” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rabnaa in dib loo midoobo mad madowga jiro meesha laga saaro ammaankii gacanta lagu soo celiyo wadajirkii iyo walaalnimadii dadka ka dhexeysay dib loo soo celiyo”.

Dhinaca kale taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in wax dacwo ah aan loo haysan doonin Cabdullaahi Ganey, isla markaana uu meesha ka saari doono waaran soo qabasho ah oo ay dhowaan u jartay dowladda Soomaaliya.

“Waarankaas aniga ayaa Xamar tegi doono si loo hakiyo, nimankaana xeyndaabkii ayay dib ugu soo noqdeen wada-hadalkiina nabad ayuu ku soo dhammaaday” ayiuu mar kale yiri.

Arrintan ayaa ah guul wayn oo laga gaaray khilaafkii Hiiraan oo dib u dhigay HirShabelle, maadaama maamulka uu wajahay xaalad culus oo siyaasadeed.

https://www.facebook.com/plugins/video.php?height=314&href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2Funiversalsomalitv%2Fvideos%2F606912618506621%2F&show_text=true&width=560&t=0

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *