Jimco, December 20, 2024 – Wararka ka imaanaya Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya inuu dagaal xooggani ka billowday Degaanka Dacawaley oo ka tirsan degmada Xarshin ee gobolka Jarar ee Dowlad Degaanka Soomaalida, dagaalkan ayaa sida la sheegayo waxa uu u dhaxeeyaa Maleeshiyaad hubaysan iyo Ciidamada Degaanka Soomaalida.
Dagaalkan uu billowday galinkii dambe ee shalay ayaa maanta mar kale waxa uu ka billowday isla magaalada Dacawaley, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu dagaalkani shalay ku billowday kaddib markii Maleeshiyo hubaysan ay weerar ku soo qaadeen fadhiisin ay Ciidamada Degaanka Soomaalidu ku lahaayeen magaalada Dacawaley, balse wali ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya qaabka uu ku bilowday dagaalkan.
Dagaalkan ayaa gaystay khasaare badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada saxda ah ee waxyeelada dagaalkan haddana waxaa la soo sheegayaa dhimasho aad u badan oo labada dhinacba ah, wararka kale ayaa iyaguna sheegaya in dadkii ku dhaawacmay dagaalkan intoodii badnayd loo qaaday dhinaca Somaliland, maadaama degaanka ay wax ka dhaceen u dhawdahay dhinaca Somaliland.
Dadka degaanka Dacawaley deggan ayaa dhinacooda waxay sheegayaan in Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalidu ay xasuuqeen shacabka magaalada Dacawaley, isla markaana ay dad badan ku laayeen gudaha magaalada Dacawaley, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara warkaas.
Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida wali kamaysan hadlin dagaalkan ka dhacay magaalada Dacawaley, sidoo kalena ma jiraan ilo madax banaan oo iyaguna ka hadlay dagaalkan, sida lasoo sheegayana wali wuu socdaa dagaalku,
Degaanka ay dagaalladu ka socdaa ayaa waxaa muddooyin badan ka jiray saasaan colaadeed, iyagoo marar horena ay isku dhacyo ka jireen aaggaas, isku dhacyadaas oo u dhaxeeyay dadka degaankaas iyo maamulka degaanka Soomaalida, balse wali lama ogaan waxa dagaalkan maanta dib usoo kiciyay.
Dacawaley ayaa ah magaalo katirsan degmada Xarshin ee Gobolka Jarar ee Dowlad degaanka Soomaalida, waana magaalo aad ugu dhow xadka degaanku la leeyahay Somaliland, waxaana dega magaaladan dad dhalasho ahaan kasoo jeeda dhinaca Somaliland.