December 11, 2024

Muqdisho – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saartay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay Turkiga iyo wadahallada la sheegay inuu la yeelanayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Telefishinka Qaranka ayaa baahiyey qoraal lagu xaqiijiyey xogtaan, waxaana Xasan Sheekh casuumay oo wadahaladaan daadihinaya Madaxweynaha Turkiga Erdugan.

“Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dawladda walaalaha aan nahay ee Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wadahadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isafgaradka sharci darrada ahaa.”

Dowladda ayaa xaqiijisay in Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay sii amba qaadi doonaan wareegga 3-aad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu baahiyey SNTV.

Ugu dambeyntii dowladda ayaa xaqiijisay in wadahadal kasta oo dhaca aysan ka gorgortami doonin xaqqa ay umadda Soomaaliyeed oo ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirka dalka ay ugu horeyso.

“Dawladda Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta Madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya ayaa mowqifkeedii hore ku taagan, kaasoo saldhig ay u tahay in aanay wax gorgortan ah ka gali doonin ilaalinta Midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *